Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ku sii jeeda Malawi

Nairobi 26-09

Xulka kubadda Cagta Soomaaliya ayaa isu diyaarinaya isagoo ku sugan Magaalada Nairobi kulan adag oo ka tirsan is reebreeb Olombikada Adduunka oo ay la yeelan doonaan xulka wadanka Malawi

Xulka waddanka Malawi iyo xulka kubadda Cagta Soomaaliya ayaa 30 bishan waxay yeelan doonaan kulan adag oo ka tirsan Is reebeebka Tartanka Olombikada Adduunka 2008 lagu qaban doono dalka Shiinaha.

Cayaartoyda Xulka Soomaaliya ayaa tababar diyaar garaw ah waxay ka wadaan garoon kubadda cagta oo ku yaala Magaalada Nairobi ee waddanka Kenya.

Xulka soomaaliya oo ka soo laabtay wadanka Brundi kadib markii ay ka qeybgaleen tartankii Bariga iyo bartamaha Afrika in kastoo soomaaliya natiijo hoose kala soo laabteen tartankaas haddana waxay rajo ka muujinayaan in kulankan adag Malawi guul ka keeni doonan.

Kulankan ayaa ah hal lug oo kaliya, labada Xul kii badiya ayaa waxaa u soo gudbayaa wareega labaad sida ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Xiriirka Kubadda cagta Soomaaliya.

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuurdiin007@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

©2006 Somali Football Federation