C/raxmaan Dhunte” marka aad fiiriso mudada aan jirno iyo waxqabadkeenu runtii”

Muqdisho 20-10

Treasurer xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya
Abdirahman8HUSSEIN DhUNTE ayaa ka warbixiyay howshii dib u dhiska Garoomada Kubadda Cagta Soomaaliya, isagoo sheegay in Garoonka Kubadda Cagta Banaadir markii ugu horeysay laga howlgeliyay dhamaan waxyaabihii ku tiirsanaa

Waxaa uu soo qaatay in Garoonka loo sameeyay ama dayactir lagu sameeyay Ceelkii Biyaha,iyadoo uu sheegay in maalin walba Garoonka Biyo la cabsiiyo si uu muuqaalkiisu isu bedelo isagoo wareysi siiyay Bogga Midnimo.com

“ Waxaa la dhisay dhamaan Guriyihii Garoonka, Ceelkii Biyaha waxaa uu shaqeynayaa, Barxadda Garoonka ayaa haatan waxaa uu yahay mid la mid ah Garoomada Caalamka ka jira, runtii wax badan ayaa qabanay, laakiin dadka Soomaaliyed ayaa laga rabaa inay arrintaas eegan oo ay arkaan waxqabadkeenu”ayuu yiri C/raxmaan Xuseen Maxamed (Dhunte).

Mr Dhunte waxaa uu sheegay in Qarashka ku baxay dib u dhiska iyo howlaha kale ay bixiyeen Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya maadama ay tahay hay’adda kaliya ee ku howlan horumarinta Cayaaraha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dhawaan sidoo kale Dayactir aad u ballaaran laga bilaabi doono Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho mar haddii uu dhamaaday howlihii ka socday Garoonka Banaadir.

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuurdiin007@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

©2006 Somali Football Federation