Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo
saaka u duulay Dalka Rwanda

Sawirada xaflada oo dhan

Muqdisho,Friday 28-07


Abkow oo Funaanada nambarkeeduyahay 4 Guddoonsiinayo
Kabtanka Xulka Qaranka Ilyaas Tiirow


Muxudiin Darbaweyne G. X. K. Cagta Soomaliyed

Xulka Kubadda Cagta ee 17 jirka Soomaaliya ayaa saaka u duulay dalka Rwanda iyagoo sii maraya dalka Kenya halkaas oo uga sii gudbi doonaan xarunta dalka Rwanda.

Xulka Soomaaliya oo saaka Xaflad Sagootiin ah loogu sameeyay Hotelka Nabada eeMagaalada Muqdisho ayaa waxaa hadal gaaban oo dardaaran ah u jeediyay Guddoomiyaha Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya Muxyadiin Xasan Cali Darbo weyne oo u sheegay Cayaartoyda inay muujiyaan karti iyo wadaniyad,guushana Ilaahay ayaa og cida la tagayso ayuu sii raaciyay.

“Waa in aad soo bandhigtaan Cayaar fiican oo dadka Qancisa,waana inaad raacdan amarka tababaraha”ayuu yiri muxyadiin.


Cabdi Kuus
Macalinka Xulka Qaranka

17 Cayaartoy iyo Macalinka Xulka iyo xubin ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa u ambabaxay dalka Rwanda halkaas oo axada fooda nagu soo hayso kula cayaari doonaan xulka wadanka Rwanda.

Waa markii koowaad tan iyo markii is bedelka lagu sameeyay xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cayaar dibadda uu aado Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Xafladdii saaka lagu sagootinayay Xulka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeybgalay kusimaha Guddiga Olombikada Soomaaliya Abkow,kuxigeenka Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Salaad gaab,Xoghayaha Guud ee Xiirka kubadda Cagta Soomaaliya C/qani Saciid Carab, Xoghayaha Maaliyadda C/raxmaan Dhunte iyo xubno kale oo fara badan.

 

 

 

 

 

 

©2006 Somali Football Federation