Xoghayaha Guud ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka warbixiyay safar dhawaan Xulka Soomaaliya ku tagi doono dalka

Muqdisho 08-08-2006


X. Guudee Xiriirka Kubadda Cagta iyo Gudd. Xiriirka Kubadda Cagta Muxyadiin Darbaweyne oo dhextaagan Garoonka Banaadir ee Stadiyo koonis

Madaxda Xiriirka Soomaaliya oo shaqo ballaaran ka wadaan
garoonka Banaadir ee Stadio Koonis

Gees Tababaraha Xulka Qaran Coon, Dhexda Xoghayahamaaliyadda Xiriirka Kubadda Cagta Dhuunte iyo Xoghayaha Guudee Xiriirka Cabdiqani

C/qani Saciid Carab Xoghayaha Guud ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo dhawaan ka soo laabtay safaro uu ku tagay Qaaradda Yurub ayaa sheegay in xulka Qaranka Soomaaliya ku soo fool leeyihiin Cayaaro adag oo ka tirsan Bariga iyo Bartamaha Afrika.

“Waxaa haatan socda Diyaarinta Xulka, dhawaan ayuu xiriirku magacabay tababaraha Xulka da’dooda 20-jirka ah, kuwaas oo tagaya dalka Brundi, halkaas oo 11 dal ee Bariga iyo Bartamaha Afrika wada tagi doonaan”ayuu yiri C/qani Sacdiid Carab Xoghayaha Guud ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Isagoo shalay igu waramayay gudaha Garoonka Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Koonis oo xilligaas ka socotay howlo ay madaxda xiriirka horsed u yihiin kuwaas oo ah horumarinta kubadda Cagta Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in dalalka tagaya Brundi ay kala yihiin Soomaaliya, Itoobiya, Suudaan, Uganda, Tanzania, Zanzibar, Eriteria, Kenya, Rwanda, Djabuuti iyo Brundi.


Tababaraha Xulka Qaran Soomaaliya
Xuseen Cali Cabdulle Coon

“In kastoo xaalada Xulka Soomaaliya qof walba ka war haayo haddana Xiriirka kubadda cagta waxaa uu diyaar u yahay in uusan ka baaqan cayaaraha caalamiga”ayuu yiri C/qani Saciid Carab.

Dhinaca kale Dayactir aad u weyn ayaa ka socda Garoonka Kubadda Cagta Banaadir Koonis, iyadoo howshan ay bilaabatay Jimcii aynu soo dhaafnay, waxaana shalay halkaasi tagay xubnaha kala duwan ee xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya kuwaas oo kormeeray shaqada socota.

Xubnaha xiriirka Kubadda Cagta ee tagay Garoonka oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Muxyadiin Xasan Cali (Darbo weyne) ayaa waxaa ka mid ahaa kuxigeenadiisa Salaad Gaab iyo Cali saciid, Xoghayaasha xiriirka C/qani iyo C/raxmaan Dhunte iyo weliba xubno kale oo aad u fara badan.

Garoonka oo muuqal ahaan ka duwan sidii hore kadib shaqo badan oo la geliyay ayaa Madaxda xiriirka waxay sheegeen in marka la soo afjaro shaqada ballaaran ee hadda ka socota Garoonka Banaadir in loo wareegi doono Garoonka Muqdisho oo ah garoonka ugu dhismo weyn ee Soomaaliya.

 

 

 

 

 

 

©2006 Somali Football Federation