Kooxda SITT oo Galabta 5 -1
kaga badisay Kooxda Feynuus

Sawirada garsoorayaash


Naadiga SITT Daallo oo ku sugan Garoonka Cayaaraha Muqdisho

Naadiga Faynuus oo ku sugan Garoonka Cayaaraha Muqdisho

Kooxda kubadda Cagta SITT ayaa galabta Cayaar ka tirsan Horyaalka 35 aad ee Kubadda Cagta Soomaaliya waxay kaga badisay Kooxda Feynuus 5-1 oo guusha ku raacday Xidigaha SITT.


Cabdi qaadir Maxamed Ciise oo dhaliyay mid ka mid ah goolasha kooxdiisa SITT ku badisay

Geelle Axmed Ducaale Xaaf oo galabta kooxdiisa SITT u dhaliyay Goolkiisa koowaad

Labada kooxood ayaa mid walba waxay soo bandhigtay Cayaar soo jiidatay taageeriyaasha Kubadda Cagta, hase ahaate daqiiqadii 3 aad ayaa kooxda SITT waxay heshay Riqoorihii koowaad, hase ahaate daqiiqadii 17 aad ayaa Gool labaad oo riqoore ah waxaa helay kooxda SITT, sidoo kale daqiiqadii 32 aad ayaa Gool 3 aad waxaa heshay kooxda SITT, balse daqiiqadii 45 aad ayaa Kooxda Feynuus Gool kaliya heshay.

Qeybtii Labaad ayaa Kooxda SITT waxay heshay 2 Gool kale taasi ayaa waxay ka dhigtay Kooxda SITT inay Guul raaxo leh ka qaadato Garoonka Kubadda Cagta Banaadir Koonis.

Cayaartan ayaa waxay ahayd guushii ugu weyneyd oo ay ka gaarto Horyaalka 35 aad ee Kubadda Cagta Soomaaliya kooxda SITT, sida uu sheegay Tababaraha naadigaas Muddo gaaban ayay tababar sameeyeen kooxdiisa,wuxuuna caddeeyay in ciyaar fiican soo bandhigi doonno kulamada soo socda.

Guuldarada ku dhacday Kooxda Feynuus ayaa loo qaatay is faham la’aan ka dhex dhacday Cayaartoyda Naadiga Feynuus, in kastoo tababaraha Feynuus Maxamud Ibraahim Adkeysi uu dadaalay haddana waxaa jirta tabardaro dhinaca Difaaca oo Kooxda Feynuus haysatay.

Cayaartii galabta ayaa waxaa dhexdhaxaadinayay Garsooreyaasha kala ah Garsooraha dhexe Cabdi Cabdulle Beesaale, Cali saciid oo ahaa Calan wadaha koowaad iyo Calan wadaha Labaad oo ahaa C/llaahi Cusmaan Xaaji .

Dhinaca kale Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu xareeyay Hotelka Global ee Magaalada Muqdisho,iyadoo Xulka isu diyaarinayo kulamo Caalami ah oo uu la cayaari doono dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika iyo Jaamacadda Carabta.

 

 

 

 

 

 

 

©2006 Somali Football Federation