Xoghayaha Maaliyadda Xiriirka Kubadda cagta Soomaaliya”Anagoo haysanin dhaqaale ayaa shaqo adag bilawnay, waxaana doonaynaa inaan Umadda wax u qabano”

Muqdisho 10-08-2006


C/raxmaan Xuseen Maxamed (Dhunte) Xoghayaha Maaliyadda Xiriirka Kubadda cagta Soomaaliya

C/raxmaan Xuseen Maxamed (Dhunte) Xoghayaha Maaliyadda Xiriirka Kubadda cagta Soomaaliya
Waa Xoghayaha Maaliyadda Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, waxaa uu ka mid yahay xubnaha cusub ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, dhawaan ayaa loo magacabay xilkaas, durba waxaa uu muujiyay kaalintiisa ku aadan shaqada adag ee hortaala Xiriirka, isagoo caddeeyay noloshiisa inta badan uu siin doono horumarinta Kubadda Cagta Soomaaliya.

Waa nin dhalinyaro ah, waxaa uu ka mid yahay xubnaha uga cad cad ee xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, wuxuu ii sheegay inuu weligiisa jecelaa inuu u shaqeeyo Qaranka Soomaaliyed.

Haddaba C/raxmaan Dhunte Maxaa ka taqaana?

1970-kii ayuu ku dhashay Magaalada caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,waxbarashadiisa hoose dhexe waxaa uu ku soo qaatay Dugsiga hoose dhexe Shibis, isagoo sanadkii 1987-dii ka baxay Dugsiga Sare Saqaawadiin.

2 sano oo barashada Maamulo Xisaabeed ku soo qaatay Machadka Siidam, 1989-kii ayuu ka mid noqday shaqaalihii Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Gees Tababaraha Xulka Qaran Coon, Dhexda Xoghayahamaaliyadda Xiriirka Kubadda Cagta Dhuunte iyo Xoghayaha Guudee Xiriirka Cabdiqani


Gees Tababaraha Xulka Qaran Coon, Dhexda Xoghayahamaaliyadda Xiriirka Kubadda Cagta Dhuunte iyo Xoghayaha Guudee Xiriirka Cabdiqani

Burburkii Kadib.

Markii ay burburtay Dowladdii Jen Maxamed Siyaad Barre C/raxmaan waxaa uu ka mid ahaa dadkii ku haray dalka oo aysan dalka ka tagin, waxaa uu ka soo shaqeeyay Dekedaha Muqdisho iyo Ceel Macaan.

Isagoo noqday Madaxda Qiimeynta Badeecooyinka Dekedda Xamar,1996-dii ayuu noqday Agaasimaha Guud ee Malaiyadda Dekedda Ceel Macaan, 1997-dii ayuu noqday Madaxa howl gelinta Dekedda Ceel Macaan.

SPORTS-KA

Waxaa uu ahaa Ciyaaryahan xiiseeya Kubadda Koleyga,waxaa uu u soo ciyaaray Naadiyada Sanca, Jenyo,Gobolka Banaadir iyo Degmooyinka Gobolka Banaadir, laakiin ma uusan ka mid noqon Ciyaaryahanada Kubadda Koleyga ee Xulka Soomaaliya.

Waxaa uu soo noqday Guddoomiye kuxigeenka Naadiga Kubadda Cagta ee Banaadir, sidoo kale waxaa uu soo noqday Xoghayaha guud ee Naadiga Dekedaha ee Kubadda Cagta Soomaaliya.

C/raxmaan Dhunte Xoghayaha Maaliyadda Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya waxaa uu leeyahay Xaas, iyo 3 Caruur, wuxuuna ii sheegay mar uu ka hadlayay Xaaladda xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya dhinaca dhaqaalaha waxaa uu yiri anagoo dhaqaale helin ayaa waxaan bilawnay inaan ka shaqeyno Garoomada Kubadda Cagta, waxaan doonayna inaan caalamka u muujino waxqabad.

 

 

 

 

 

 

 

©2006 Somali Football Federation