Kooxda SITT oo galabta ku guuleysatay Koobkii soo dhaweynta Dowladda

 

 

Kooxda Kubadda Cagta SITT Daallo ayaa galabta ku guuleysatay koob Kubadda Cagta oo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ugu talagalay soo dhaweynta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Caasimadda Muqdisho kadib markii ay 1-0 kaga adkaatay Kooxda Dekedaha.

Cayaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Danjiraha Yeman u fadhiya Soomaaliya Ahmed Cumar, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamud Xasan Cali Gaabow, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Muxyadiin Xasan Cali iyo kuxigeenadiisa, iyadoo sidoo kalena kumanaan dadweyne ah u soo daawashi tageen Cayaartaas oo xiriirka ka dhigeen mid Lacag la'aan lagu daawanayay.

Qeybtii hore Cayaarta Labada kooxood waxay iska lumiyeen fursado badan oo loo maleynayay Goolal, balse qeybtii Labaad markii ay socotay 20 daqiiqo ayaa Laacibka Kooxda SITT Daallo Mr Cabdow waxaa uu kooxdiisa u dhaliyay Gool si weyn loo soo farsameeyay.

Wixii markaasi ka dambeeyay Kooxda Dekedaha waxay weerar culus ku qaaday Goolka SITT Daallo, balse waxay lumiyeen Cayaartoyda Dekedaha Goolal badan.

Kooxda Dekedaha waxaa Calaamadda Gaduudan ka qaatay Goolhaayaha Qaranka Kamal iyo mid ka mid ah Difaacooda kadib markii ay sameeyen qalalaad fara badan.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Muxyadiin Xasan Cali oo dhinacyada ka taagnaayen kuxigeenkiisa Saciid Mugambe iyo Xoghayihiisa C/qani Saciid Carab ayaa guddoonsiiyay Koobkii kooxda SITT daallo.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradiin007@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

©2006 Somali Football Federation